waxaan halkaan idinku soo gudbineynaa warbixin ku saabsan ciyaaro uu ka qeyb galay xulka qaran soomaaliya ee futsalka,
waxaa magaalada qaahira ee dalka masar lagu qabtay cayaaraha
jaamacada carabta 1998 oo ay ka qeyb galeen 8 dal oo ay ku jirtay xulka qaran futsalka soomaliya,waxaa loo kala saaray labo qeyb oo kala ah.
GROUP-A GROUP-B
masar marooko
somalia aljeeriya
falastin tuniisiya
sudan liibiya
hadaba waxaay cayaarihii u dhaceen sida tan
somalia vs sudan 5-6
somalia vs falastin 7-10
somalia vs masar 5-13
waa markii ugu horeysay ee ay ka qeyb galaan xulka futsalka soomaaliya mudo hada laga joogo toban sano,waxaan maqaalkaan ugu soo qaadanay in dadka soomaaliyeed ogaadaan in futsalka uu yahay cayaarta ay ka bixi karaan ama ay wax ka keeni karaan dhalinyarada
soomaaliya marka loo fiiriyo tan 11 side ka,sababtoo ah futsalka waa cayaar taabasho ka dhowr ah oo ay ku fiican yihiin dhalinyarada soomaaliyeed.
cayaarahaas waxaa hogaaminayeey wafdiga gudoomiye ku/xigeenkii xsk cagta xaaji cabdi cilmi,xoghayihii xsk cagta yasiin abuukar cariif,salaad gaab oo markaas ahaa gudoomiyaha futsalka ee soomaliya iyo xubin xsk cagta.waxaa qarankaas
matalayeey kooxdii haysatay horyaalkii ugu horeeyay futsalka ee dalkeena lagu qabtay oo ay qaadeen kooxda DALSAN,ka dib ayaa xsk cagta u gartay in ay matalaan xulka qaranka soomaaliya,wafdiga waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha
kooxda dalsan cabdi cabdulaahi,ciyaartoyda waxay kala ahayeen,yaxye ayoow,cumar dhoqeeye,gaduudow,maxamed muslimiin,abuukar boocow,muxyadiin xaaji,cabdulaahi beeley,axmed daad,sakariye balile,c/qaadir coon,cabdi xaashi daleel (aun),jiinow,xiirey.
ILAMOS:COM