Waxaa maanta oo ay taariikhdu aheyd 24/5/2008 saacaduna aheyd 4:15
wada ciyaaray labada koox ee kala ah ILAMOS FC VS JUBBA FC,ciyaartaas oo aheyd mid saxiibtinimo waxaayna ka dhacday garoonka kooxda jubba fc ee withington park.
Ciyaarta waxay ku bilaabatay weerar oo koox waliba dooneysay in ay la hormarto
goolka si ay u hogaamiso ciyaarta,hadaba waxaa u suura gashay kooxda ilamos fc in ay dhaliso goolkii kowaad oo ahaa mid uu soo qaabeyay laacib SAKARIYE oo ka ciyaarayey baalka bidix ee dicaafa, waxaana goolka dhaliyay max.ed NAA,daqiiqado ka dib waxaa goolkii labaad heleen kooxda ilamos fc uu dhaliyay laacib ABUUKAR,cayaartii waxay
noqotay 2-0 oo ay ku hogaamineyso kooxda ilamos.
Sidaas kuma harin kooxda jubba fc waxay soo qaaday weerer aad iyo aad loo soo qaabeyay waxaana u suura gashay in ay helaan goolkoodii kowaad waxaana u saxiixay laacibkood CONTEH oo uga ciyaara baalka
bidix ee weerarka,cayaartii waxay noqotay 2-1 oo ay ku hogaaminayaan kooxda ilamos fc,waxaayna qeybtii koowaad lagu kala tagay 2-1.
Markii leysku soo noqday qeybtii labaad ayaa waxaa u suura gashay kooxda ilamos fc in helaan goolkii sadaxaad waxaana u saxiixay laacib max,ed OKIYAALE,cayaarta waxaay noqotay mid weerar iyo weerar celis ah oo labada kooxba ay iska lumiyeen fursado gool
lagu dhalin karo.
Cayaartaas oo aheyd mid tijaabo ah oo labada koox isku diyaarinayeen cayaaraha ku soo aadan,runtii jubba fc waa koox dhalinyaro ah oo mustaqbal ku leh isboortiga dalkaan aan joogno iyo dalkeena ayna wax badan ka tari karaan aana u rajeyneyno in ay sii laba labaan dadaalka ay hayaan,uuna suura galiyay macalinkooda MURIIDI oo ah shaqsi wax u soo qabtay dalkiisa iyo dadkiisa,uuna la garab taagan yahay in uu gaarsiiyo heer sare.cayaartii waqtigii loogu tala galay waxay ku soo dhamaatay 5-1 waxaa
goolasha u dhaliyay ilamos ee danbe laacibiinta kala ah SUGALE iyo CABAAS.
waxaayna labada koox soo bandhigeen cayaar ay raali ahaayeen labada macalin iyo dadkii daawanayey,waxaana lagu balamay in mar labaad ay wada ciyaaran oo loo tago kooxda ilamos fc garoonkeeda,
Waxaan ka cudurdaraneynaa in aan qornay magaca ISC-LINK ee magaca saxda ah ee kooxda waa JUBBA FC,ee sidaas ula socda
ILAMOS:FC