Waxaa taariikhdu markey aheyd 11-May 2008 wada ciyaaray garuubka, A.ciyaartii hore waxaa wada ciyaaray labada kooxood ee kala ah,
SHUGUR FC VS NABADA FC
Waxay bilaabatay ciyaarta xiligii loogu tala galay,waxayna labada koox ay soo bandhigeen cayaar farsamadeeda ay sareyso,ayna raali kahayeen dadkii soo daawasha tagay,waxayna ku soo gabagabowday xiligii loogu tala galay 1-0 ay guusha ku raacday kooxda shugur fc,
waxaa ciyaartii labaad wada ciyaaray labada koox ee kala ah
L.STARS FC VS HARROW FC
waxay cayaarta ku bilaabatay weerar iyo weerar celin,walow ay iska lumiyeen labada koox fursado ay ku dhalin kareen goolal badan,in kastoo laga awood roonaa kooxda harrow fc,ayna yihiin dhalinyaro yar yar ah,leh mustaqbal fiican,aana rajeyneyno in ay gaari doonan heer ay tiigsanayaan,ayna sii laba labaan dadaalka ay hada muujiyeen,ciyaartii waxay ku dhamaatay 6-1 oo ay guusha ku raacday london stars.
waxaa taariikhdu markey tahay 18-may-2008 wada ciyaari doono garuubka B, ee kala ah
W12 FC VS HILL-TOP FC 12PM
ILAMOS FC VS HORSEED FC 15PM
kala soco wixii aqbaar kusaabsan: www.ilamos.com