Ruux kasta waxaa u sugnaatey GEERI, taasoo dushiisa lagu waajibiyey markii lagu afuufey arwaaxda, waana mid sugeysa aadanaha oo dhan, Muslim iyo Gaal, Carab iyo Cajab, Caddaan iyo Madow, wadadaas ayay ku wada aroori.
NABAR LA FILI NAXDIN MA LEH, geeridaas aan laga maadan karin ayaa haleeshay ALLAHA u naxariistee Saleebaan Colaad Rooble, oo ahaa wasiirkii ciyaaraha ee DF, wuxuuna marxuumku si xun ugu dhaawacmey qaraxii argagaxa iyo anfariirka lahaa ee 3-dii Decembar dad badan ku halaagey Hotelka Shaamow ee magaalada Xamar.
Wixii intaas ka dambeeyay marxuumku wuxuu ku jirey la tacaalid, waxaana daaweyn loogu qaadey Dalka Kenya, oo looga sii qaadey dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, halkaas oo ah goobtii ugu dambeysay ee ay ajashu ku waafaqdey.
Geeridaas ayay maamulka qeybaha kala duwan ee Ilamos, ciyaartoyda heer kastaba leh, iyo taageerayaasha uga tacsiyeynayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaana waxay tacsi ugu dirayaan qoys-kii iyo ehelkii marxuumku ka baxey, iyagoo leh SAMIR IYO IIMAAN WAASAC AH ALLAHA IDINKA SIIYO, ISAGANA JANATUL FARDOWSA HA UGU DEEQO............Aamiin.
SHAMSUDDIIN64@YAHOO.CO.UK