Untitled Document
Untitled Document
Enter keywords
Announcement
Activities
Fixtures
Members
Join us
Player Profiles
Events
Gallery
Contact us
Enter your email

Part time Job

We need someone with experience of managing websites. You must have good knowledge of currenweb design. To apply please click here

BT Community Connections Local Network Fund Barclays free kicks

award4all

 

Ilamos profile
Ilamos Youth Action (IYA) is a voluntary organisation based in north London and provides sporting activities to all young people, regardless of their faith, race or culture. Our aim is to promote social interaction among young people, develop their social awareness and life skills as well as improving their health conditions.

C/qaadir Caddaay:- Aabbe dadaalkiisi dheefsanaaya

Mon, 25. Jan 10 - 13:52 Viewed ( 329 ) times


Maalin Taariikh-deeda leh, sharaf u sidey inta jecel ciyaaraha, har iyo habeena ku howlan, sidii bul-shadeenu dunida sportiga wax ula qeyb-san laheyd, maalin xaqiijisey hammigii mudada dheer uu ku taamayey Garsoore hore Aabbe C/qaadir Caddaay, maalin uu gibil Soomaaliyeed si weyn uga dhex muuqdey Kubadda Cagta dalka Ingiriiska, oo haatan noqotey tan dunida loogu jecel yahay.
 
Goobaha ay Soomaalidu isugu timaado ee dalkan Ingiriiska, oo aalaaba lagu daawado ciyaaraha, waxaa hareeyay farxad, iyo isku hambalyeyn, wadartii meel wada joogtaba waxaa ka tan badiyey shucuurta farxadeed ee ay ka qaadeen markii ay in-dhaha qac ku siiyeen C/salaam Ibraahim oo Axaddii 24/01/2010 ka muuqda halbowlaha gaashaan-dhiga kooxda Man City.
 
Inkasta oo aanay ii suurto-gelin, inaan wada daawado ciyaartaas, sabab la xiriirta balan muhiim ah oo aan yeeshay, haddana waxaa niyadeyda ku weyneyd inuu C/salaam ka mid noqon doono ciyaartoyda uu u diyaariyey macalinka reer Talyaani inay ka hor tagaan kooxda aan weyneyn ee Sconthorpe, ciyaar ka tirsan wareega 4-aad ee FA cup oo ah kan ugu faca weyn koobabka laga ciyaaro dalkan Ingiriiska.
 
Haddii aad i weydiin laheyd sababta aan u aaminsanaa in wiilkayagu ciyaartaas safan doono, jawaab kuuma heleen, laakiin ogow qiiro uun baa jirtay, ma waxaan loo qiiroon baa, in dhiig Soomaaliyeed ku milmo kubadda cagta haatan dunida ugu xiisaha badan.
 
DOONAA WAA GAARAA, BEERTAANA WAA GURTAA, Aabbe C/qaadir Caddaay maanta wuxuu ku ilwaadanayaa miraha wanaagsan, ee ka soo go'ay geedkii uu mudada dheer gudin iyo garaac-ba u diidey, ALLAAH baa mahad leh, waalid badan oo sida Aabahaas ubadkooda la jecel horumar nololeed ayaan heysan fursadan oo kale, kuwaasoo ku dhex rafaadsan dal la halakoobey dagaalo aan ujeeddo iyo ka jeeddo laheyn.
 
Ilamos oo loo abuurey ku dhiiro-gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed ciyaaraha, waxay farxadaas la wadaageysaa qoys-kaas dadaal badan kadib ay u rumowdey riyadoodii, waxayna ku bogaadineysaa Aabbe C/qaadir Caddaay dadaalkii aan daalka laheyn ee uu kuu bixiyey inuu wiilkiisu heerkan oo kale gaaro.January 25, 2010

1

 
Mar kale, Maamulka, Macalimiinta, Ciyaartoyda, Taageerayaasha, Unnuga warfaafinta, Koofi iyo Kaxle, bahda BAR SPORT, oo uu ugu horeeyo milkiilaha Baarka Yoomaaye, Urur weynaha ay ku mideysan yihiin ciyaartoygii hore ee Kubadda cagta, Jaaliyadda Soomaaliyeed  ee Waqooyiga London, dhammaan waxay bogaadinayaan heerka uu C/salaam Ibraahim gaarsiiyey magaca Soomaaliyeed, waxayna u rajeynayaan inuu horey ugu sii talaabsado GUULO wax ku ool ah, haddii Eebbe idmo.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Click here for large view, please allow your popup

Untitled Document
Kubadda.com
Ceelbuurnet.com
Cayaaraha.com
Somsports.com
Thefa.com
Premierleague.com
uefa.com
FIBA Africa
Italian Football
Spanish Football
German Football
BBC Sport
NBA
Eurobasket
<<     September 2010     >>
Sun
Mon
Tue
Wed
Thu
Fri
Sat
   
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
  
 0 events 

Ilamos.com © 2007 Privacy Policy Terms Of Use