Untitled Document
Untitled Document
Enter keywords
Announcement
Activities
Fixtures
Members
Join us
Player Profiles
Events
Gallery
Contact us
Enter your email

Part time Job

We need someone with experience of managing websites. You must have good knowledge of currenweb design. To apply please click here

BT Community Connections Local Network Fund Barclays free kicks

award4all

 

Ilamos profile
Ilamos Youth Action (IYA) is a voluntary organisation based in north London and provides sporting activities to all young people, regardless of their faith, race or culture. Our aim is to promote social interaction among young people, develop their social awareness and life skills as well as improving their health conditions.

Qaar ka mid ah cayaartoydii hore ee dalka oo kulan saaxiibtinimo u tagay magaalada Birmingham

Mon, 25. Jan 10 - 10:03 Viewed ( 339 ) times


Cayaartoydii hore kooxihii dalka iyo xulkii qaranka qaarkood oo ku nool magaaladan London ayaa kulan is waraysi iyo cayaareed oo saaxiibtinimo ah waxa ay maalinimadii jimcadii ku tageen magaalada Birmingham oo ay ku nool qaar badan oo ka mid ah bahdan iyo waliba bahwaynta sport ga soomaaliyeed kuwasoo ayagu ku casuumay magaaladaasi.

Magaalada Birmingham ayaa waxaa ku nool qaar badan oo ka mid ah bahwaynta sport ga soomaaliyeed gaar ahaan kuwii ayagu kaalinta wax ku oolka ah ka soo galay sare u qaadida sport ga dalka gaar ahaan kubadda cagta iyo kolayga kuwaaso ka dib markii ay wada sheekaysi iyo xogwaraysi dhinaca isgaarsiinta wada yeesheen bahda reer London gaar ahaan maamulka ururka SSAU oo ay dhawaantan qaar ka mid ah bahdani ku aas aaseen magaaladan London waxa ay casuumad u fidiyeen bahdan si dib loogu soo nooleeyo isk warqabkii iyo xogwaraysigii bulshadan dhexdooda ahayd isla markaana ay uga arinsan lahaayeen sidii ay wada shaqayn joogta ahi u dhexmari lahayd labadan bahood.

Xaflad aad loo agaasimay ayna ka soo qaybgaleen bahwaynta sport ga ee Birmingham gaar ahan kuwooda hormuudka ah, warfidyeeno ka socday telifishanka caalamiga ah ee ETN, martisharaftii ka socotay ururka SSAU iyo cayaartoydii cuslaatay ee Birmingham iyo reer London ayaa ugu horeyntiiba waxa ay ka dhacday  maqaayad ku taala martamaha xaafadda ay jaaliyadda soomaaliyeed ka degan tahay magaalada Birmingham waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey bahdan Ibraahim (Ex kubadda cagta Waxool) iyo Cali Guray (Ex kubadda kolayga Madbacadda) ayagoo uga mahadceliyey reer London sida walaaltinimada leh ee ay uga soo jawaabeen martiqaadkoodii isla markaana ku amaaneen sida ay ugu dadaalayaan isku keenidda iyo aruurinta bahwaynta sport ga si looga gudbo qiimayn la'aanta iyo bahdilka lagu hayo bahdan gudaha iyo dibadda dalkaba.

br14.JPG

Waxaa asaguna halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka xiriirka K Kolayga soomaaliyeed garsoore Maxamed Xaaji oo sidoo kale amaan u soo jeediyey reer London iskuxirnaanta iyo dadaalka ay muujiyeen wuxuuna kula dardaarmay in ay halkaasi ka sii wadaan isku aruurinta bahdan dhinacoodana reer Birmingham ahaana ay diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan mawqifkaasi.

Intaasi ka dib ayaa waxaa waxaa halkaasi ka hadlay Siciid Axmed Kaytoon oo ka tirsanaan jiray cayaartoydii kubadda cagta ee naadigii Sancada oo asagu ku hadlayey magaca ururka SSAU wuxuuna uga mahadceliyey bahda reer Birmingham martiqaadkan sharafta badan asagoo dhinaca kalena waxyar uga taabtay ulajeedada iyo baahidii keentay in la aas aaso ururkan kaasoo sida uu sheegay aan cidna duulaan ku ahayn soona dhawaynaya cid kasta oo danaynaysa horumarinta ubadka yaryar.

bir16.JPG

Waxaa asaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha ururka cayaartoydii hore Maxamed Shidane Buraale (Horseed) oo mahadcelin ka dib ku celiyey ulajeedada ugu wayn ee loo aas aasay ururkan oo ah sidii loo midayn lahaa shaqada ay bahdani u hayaan dhalinyarada isla markaana looga bixi lahaa isbarbaryaaca iyo qiimayn la'aanta cayaartoydii hore oo ayagu magaca iyo sharafta ku lahaa bulshadan taasoo hadda u muuqata mid ay sii baaba'aysa.

br12.JPG

Intaasi iyo cashadii sharafta badnayd ee loogu talagalay xafladda ayaa waxaa halkaasi waraysiyo kala gedisan uu telifishanka ETN kual yeeshay qaar ka mid ah madaxda ururka iyo waliba cayaartoydii hore.

br10.JPG

Ka dib ayaa waxaa loo dareeray garoon dedan oo lagu cayaaro kubadda cagta (Futsalka) waxaana halkaasi isaga horyimid cayaartoydii cuslaatay ee magaalooyinka Birmingham iyo London waxaana ay si dirqi ah 3-2 (Sets) guushii kuraacday kooxdii reer London inkastoo reer Birmingham ay ka xishoonayeen reer London sida ay noo sheegeen C/Casiis Eenow iyo Ibraahim Cabdulle.

br9.JPG

Akhristow waxaa xusid mudan in habeenkaasi uu ahaa bahdan habeen xasuus mudan waxaana halkaasi isku arkay cayaartoy ayagu aan is arag muddo 20 sano ka badan kuwaasoo aan ka xusi karo cayaartoydii hore ee naadigii madbacadda qarana Maxamed Xuseen "Majabe" oo asagu ku nool dalka Canada martina u ahaa bahda reer London iyo Xasan Baydhabo oo asaguna ku nool magaalada Birmingham kuwaasoo habeenkaasi aad arkaysay sida ay ugu faraxsanaayeen kulankan.

br8.JPG

Si kastaba ha ahaatee waxaa lagu balamay in la joogteeyo lana balaariyo kulamada noocaan oo kala ah taasoo qayb wayn ka qaadan karta iskuxirnaanshaha iyo midaynta bahdan waxaana haddii alaha awoodda lihi ogolaado ay reer Birmingham booqasho ku imaan doonaan magaalada London usbuucyada foodda inagu soo haya.

br13.JPG

xigasho cayaaraha.

 


Click here for large view, please allow your popup

Untitled Document
Kubadda.com
Ceelbuurnet.com
Cayaaraha.com
Somsports.com
Thefa.com
Premierleague.com
uefa.com
FIBA Africa
Italian Football
Spanish Football
German Football
BBC Sport
NBA
Eurobasket
<<     September 2010     >>
Sun
Mon
Tue
Wed
Thu
Fri
Sat
   
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
  
 0 events 

Ilamos.com © 2007 Privacy Policy Terms Of Use