Iyadoo aan maanka ku hayo, in inta jecel ciyaaruhu u jeelan yihiin wax ka ogaan-shaha jawiga guud ee bah-weyn-ta ciyaaraha, ayaan go'aansadey inaan ambo-qaado, oo aan bilaabo wareysiyo daah-furaya dhabta ka dhex jirta inta ehelka u ah sportiga, iyo weliba taariikh-da ma guuraanka ah ee ay leeyihiin waayeeladii hore ee soo marey ciyaaraha dalka.
BAN-DHIGA ILAMOS, wuxuu noqon doonaa mid aan ku marti qaadi doono ash-khaasta magaca iyo maamuuska ku leh saaxada ciyaaraha, annagoo uga dan leh ka haqab-tirida bul-shada ciyaaraha jecel helitaanka macluumaad hubaal ah iyo xaqiiqada ku hareereysan sportiga dalka.
Macalin Xasan Faarax Maxamed ( John ) ayaa hoodo iyo nasiib u yeeshay noqoshada qofkii ugu horeeyay ee BAN-DHIGA ILAMOS marti u noqda, isagoo bixiyey wareysi si saraaxad leh uga hadlaya doorkiisi sport, bilow ilaa dhammaad, iyo sidoo kale arrimo badan oo la xiriira xaaladaha haatan ku hagoogan ciyaaraha Soomaaliya.
TAARIIKH-DA QOFNIMO EE MACALIN JOHN.
Macalin John:- Sannadkii 1956-dii ayaan ku dhashey magaalada Cadan ee dalka Yaman, halkaas-na anigoo aad u yar ayaan ka soo wareegnay, waxaana la i keenay Soomaaliya.
Shamsuddiin:- Dhanka waxbarashadaadana si kooban nooga waran?.
Macalin John:- Waxbarashadeyda waxaan ka bilaabay beesha Mahaday Weyn, sidoo kalena waxaan tacliinteyda qeybaheeda kale ilaa heer jaamacadeed ku qaatey Lafoole, iyadoo waxbarashada hoose ee aan Mahadey ku qaatey iyo tan dhexe iyo sarre oo aan ku qaatey Lafoole ay ahaayeen Iskuulo Massion ah oo ay maamaluyeen Mareykanku.
Sidoo kalena waxaan qaatey tababaro iyo seminaaro dhanka sportiga ah, kuwaas-na markooda ayaan sii faah-faahin doonaa.
Shamsuddiin:- John oo ah naaneys ama koofaar sida qof kasta uu u yaqaan aad caan ku tahay sidee ayuu kuugu baxay?.
Macalin John:- Qosol gaaban......Intii aan ka mid ahaa ardeydii dhiganeysay Iskuulkii hoose ee Mahaday ayaa waxaa dhacdey inaan is dagaalney mid kale oo ardeydii ka mid ah, taasina waa caruur iyo caadadeed, ardeydii meesha ka dhoweyd mid ka mid ah oo ka yaabay qaab dagaalkeyga ayaa yiri " Kani waa John Wayne ", kaasoo ahaa atoore markaas aad looga dambeeyay.
JOHN IYO BAD-WEYNTA SPORTIGA.
Macalin John:- Intii aan ka mid ahaa ardeydii Iskuul berigaas ku yaalay Lafoole, oo ay macalimiin ka ahaayeen ardeyda Jaamacadda ka baraneysay macalinimada, ayaan bilaabay dhaq-dhaqaaqa ciyaaraha, gaar ahaan Kubadda koleyga, horta anigu mar kasta waxaan ahaa nin sport, waxaan jeclaa oradada, xilligaasi wuxuu ahaa kacaankii ka hor, Lafoole-na waxaa gacanta ku hayay Mareykanka, waxaa meesha ka socdey oo la xiiseynay Kubadda Koleyga, waxaana Lafoole ka jirtey koox la oran jirey National Teachers Education Center ( NTEC ), taasoo ciyaaro la yeelan jirtey kooxo Xamar ka jirey, sida Internazionale, Centro Sportivo, iyo Orfano.
Ciyaarahaas waxaa ka qeyb qaadan jirey rag aan ka xusuusto Axmed Carab oo kooxdii ENC ee Wakaaladda Ganacsiga Ummadda iyo Qarankaba macalin u noqdey, C/rixmaan Saalax Cabdi ( Matiite ) iyo AUN Karaaciin.
Markaas Lafoole waxay aheyd hoygii kubadda Koleyga, oo macalimiinta Mareykanka ayaa ciyaari jirey, ardeydiina sidaas ayay ugu daateen, kadib waxaa la gaarey tartan ay ciyaal iskuulku ka qeyb galayeen, aniga waxaa la igu darey kooxdii Iskuulka Lafoole, laakiin waa diidey xagga da'da awgeed.
Sidaasoo ay tahay-na qaar aan isku fasal ( Class ) aheyn ayaa ka qey qaatey oo aan hadda ka xusuusto qaar lagu aasaasey kooxdii Jeenyo Axmed Xaaji Nuur, Siciid Qoor-sheel, C/qaadir Xaaji Diiriye ( Qaad-wale ), Maxameed Gees, iyo rag kale sida Jaamac faarax Cali, Daahir Mire, Maxameed Block, waa la badnaa balse intaas ayaan hadda xusuustaa.
Shamsudiin:- Maxaa idinku xamaarey inaad xiiseysaan kubadda koleyga, oo aad ciyaarihii kale uga leexateen?.
Macalin John:- Runtii, MEEL SIDEY TAHAY AYAA LOOLA YAALAA, Jaamacadda Lafoole waxay la mataan-saneyd Jaamacad Mareykan ah MICHIGAN UNIVERSITY, xitaa waxaan waqti yar ku heli jirney ciyaaraha NBA-da oo aan daawan jirney, sidoo kale garoomo ayaa jirey oo saddex ilaa afar garoon ayaa meesha ku yaalay, arrimahaas ayaa keenay xiisaha, qaar macalimiinta ka mid ah ayaa ku jirey kooxda NTEC, aniga qof ahaan waxay ila tahay kubadda koleyga kuma lug yeesheen haddii aanan Iskuulka Lafoole ku jiri laheyn.
La soco qeybaha kale....
NB: Sawirka hoose waa macalin Jeeri AUN iyo macalin John.
shamsuddiin64@yahoo.co.uk